U bood dhigaalka

Golaha Shacabka oo ansixiyey hindise-xeerka dembiyada kufsiga iyo anshax-xumada

Oktoobar 14, 2026

Muqdisho, 14 Oktoobar 2026 — Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Hindise-Xeerka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada, kaddib codbixin ay ka qaybgaleen 140 xildhibaan.

Codbixinta oo ka dhacday kulanka 24-aad ee kalfadhiga 8-aad ee Golaha Shacabka, waxaa oggolaaday 132 xildhibaan, halka saddex xildhibaan ay diideen, shan kalena ay ka aamuseen.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho, waxaa shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha, Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Sidoo kale, xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa akhrinta saddexaad marsiiyey Hindise-Sharciyeedka Macmiilka Danabeysan, iyagoo ka dooday qodobbadiisa iyo muhiimadda uu dalka u leeyahay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo kulanka soo xiray, ayaa xildhibaannada uga mahadceliyey gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, wuxuuna ugu baaqay inay ilaaliyaan dhaqanka, anshaxa iyo sharafta Golaha.