U bood dhigaalka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo soo gabagabeeyey doodda wax-ka-beddelka sharciga Bangiga Dhexe

Oktoobar 10, 2026

Muqdisho, Soomaaliya – 10 October 2026: Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 22-aad, waxaana shir Guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaaxir Maxamed Nuur (Jaamac).

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 141-Xildhibaan ayaa ugu horreyn, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sii amba qaaday dooda la xiriirta Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Wax-ka-Baddelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Sharci LR.130 ee soo baxay 22-kii April-sanadkii 2012 oo ay soo diyaarisay wasaaradda Maaliyadda, waxaana Xildhibaanada ay ka doodeen qodobada Hindise Sharciyeedka iyo muhiimadda uu dalka u leeyahay.

Sidoo kale mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Akhrinta labaad marsiiyey Heshiisyada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee ku saabsan Iskaashiga Garaoorka Caalamiga ah oo ay Xildhibaanada ka doodeen muhiimadda uu dalka u leeyahay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in hindise-Sharciyeedka -ka-Baddelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Sharci LR.130 ee soo baxay 22-kii April-sanadkii 2012 iyo Heshiisyada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee ku saabsan Iskaashiga Garaoorka Caalamiga ah ay ka gudbeen marxaladda Akhrinta labaad, wuxuuna faray guddiyada ku shaqada leh in ay soo diyaariyaan Warbixin Akhrinta sedaxaad, dibna Golaha ugu soo celiyaan, si uu uga guto waajibaadkiisa dastuuriga ah.