U bood dhigaalka

Kulankii Golaha Shacabka oo Mar kale u Baaqday koram la’aan

Oktoobar 7, 2026

Kulankii ay maanta yeelan lahaayeen Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale u baaqday, kadib markii aan la helin tiradii xildhibaannada ee uu kulanku ku furmi lahaa.

Tan ayaa noqoneysa mid ka mid ah kulamadii u dambeeyay ee Golaha Shacabka ee aan u qabsoomin sababo la xiriira koram la’aan.

fadhigii Golaha Shacabka ee 28-kii Sebtembar uu isna u baaqday koram la’aan, iyadoo markaas uu kulanka xaadiray 123 xildhibaan, waxaana
ay tilmaamayaan xeerarka iyo habraacyada Baarlamaanka, koramku haddii uusan buuxsanin inay kulamadu baaqdaan.

Golaha Shacabka ayaa mas’uul ka ah ansixinta sharciyada, kormeerka howlaha dowladda iyo ka shaqeynta arrimaha siyaasadeed iyo sharciyeed ee dalka.

Baaqashada kulamada soo noqnoqota ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan joogitaanka xildhibaannada iyo awoodda Golaha Shacabka ee uu si joogto ah ugu gudan karo waajibaadkiisa dastuuriga ah.