Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzania kaga qeyb galay furitaanka Shirweynaha 153-aad ee Midowga Baarlamaanada Adduunka (IPU).
Shirweynaha oo si rasmi ah uga furmay magaalada Arusha ayaa waxaa furay Ra’iisul Wasaaraha Tanzania, Mwigulu Lameck Nchemba, waxaana ka qeybgalaya madaxda iyo wakiillo ka socda baarlamaannada dalal badan oo caalamka ah.
Kulanka oo socon doona muddo shan maalmood ah ayaa diiradda lagu saarayaa arrimo la xiriira horumarinta dowlad-wanaagga, xoojinta iskaashiga baarlamaannada iyo awood-siinta bulshada, iyadoo xoogga la saarayo ka-qaybgal loo dhan yahay, kalsooni iyo helitaanka fursado loo siman yahay.
Ka qeybgalka Soomaaliya ee shirweynahan ayaa qeyb ka ah dadaallada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ku xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga uu la leeyahay baarlamaannada caalamka, iyadoo sidoo kale fursad u ah wafdiga Soomaaliyeed inuu kala hadlo dhinacyada kale arrimaha khuseeya horumarinta hay’adaha sharci-dejinta iyo dowlad-wanaagga.
Shirweynaha IPU ayaa sidoo kale lagu wadaa in lagu gorfeeyo arrimo muhiim u ah doorka baarlamaannada, oo ay ka mid yihiin ka-qaybgalka bulshada, isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda iyo sidii baarlamaannadu ugaalin uga qaadan lahaayeen horumarinta dowladnimo loo dhan yahay.