Muqdisho, 24 Sebteembar 2026 — Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray qaraar lagu laalayo Xeerka LR. 132 ee 11/05/2023 iyo Qaraarka Hirgelinta Hannaanka Tartanka Furan ee Shaqaalaha Dowladda ee Door-soocashada, kaas oo 17-kii Sebteembar 2026 kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Qaraarka Golaha Shacabka oo taariikhdiisu tahay 23-ka Sebteembar 2026, ayaa sidoo kale faraya Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda inay shaqo qorista iyo dalacsiinta shaqaalaha ku saleeyaan nidaam tartan oo daah-furan, loo siman yahay, kana fog eex, takoor iyo ku tagrifal awoodeed.
Golaha ayaa ku adkeeyay in habka shaqaaleysiinta iyo dalacsiintu waafaqaan Dastuurka iyo shuruucda dalka, iyadoo la raacayo habraacyo shaqo-qoris oo cad oo loo siman yahay.
Qaraarka ayaa tilmaamaya in Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah uu waajib ka saaran yahay inuu ilaaliyo sharci-dejinta iyo kor-joogteynta hay’adaha dowladda, isla markaana habraacyada shaqaaleysiinta ay noqdaan kuwo ku dhisan tartan iyo hufnaan.
Sidoo kale, Golaha Shacabka wuxuu faray Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda inuu soo gudbiyo warbixin ku saabsan shaqooyinka iyo fulinta qaraarka, iyadoo la raacayo qodobbada dastuuriga ah iyo sharciga shaqaalaha rayidka ah.
Qaraarka ayaa lagu ansixiyay kulan Golaha Shacabka BJFS uu yeeshay 23-kii Sebteembar 2026, iyadoo tirada codadka loo diiwaangeliyay ay ahayd 140 cod oo oggol, 136 diiday, 2 ka aamusay iyo 2 maqnaa.