Muqdisho, 22 Sebtembar 2026 – Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud oo ay wehliyeen Agaasimaha Guud iyo qaar kamid ah Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda.
Guddoomiyaha Guddiga Mudane Mowliid Cabdi Maxamuud ayaa shir guddomiyey kulanka, waxaana goobjoog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga, Xoghayaha iyo xubnaha Guddiga, iyagoo Wasiirka iyo Agaasimayaasha Wasaaradda Warfaafinta ka dhageystay warbixin ku saabsan shaqada socota iyo caqabadaha jira.
Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta oo Wasiir Cabdulfataax Qaasim uu hoggaaminayo ayaa ka jawaabay su’aalihii guddigu qabay, iyagoo soo bandhigay qorshe-hawleedka Wasaaradda, sharciyada iyo xeerarka ay diyaarinayso, qorshayaasha casriyeynta iyo ballaarinta Warbaahinta Qaranka iyo howlaha kale ee mudnaanta u leh Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS.
Sidoo kale, Wasiir Cabdulfataax Qaasim oo Guddiga siiyey warbixin dhammaystiran oo ku saabsan howlaha Wasaaradda iyo qorshayaasheeda ayaa Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka uga mahadceliyey wada-shaqeynta wanaagsan ee kala dhexeysa Wasaaradda.