U bood dhigaalka

Golaha Shacabka oo ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

Sebteembar 26, 2026

Muqdisho, 26 Sebtembar 2026 – Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah, kaddib cod loo qaaday oo ay oggolaadeen 130 xildhibaan.

Kulanka 19-aad ee kalfadhiga 8-aad ee Golaha Shacabka ayaa waxaa shir guddoomiyey Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha, Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Natiijada codbixinta ayaa muujisay in 130 xildhibaan ay oggolaadeen hindise-sharciyeedka, sagaal xildhibaan ay diideen, halka laba xildhibaan ay ka aamuseen.

Dhanka kale, xildhibaannada ayaa akhrinta labaad marsiiyey Hindise-Sharciyeedka Wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Sharci Lr. 130 ee soo baxay 22-kii Abriil 2012.

Xildhibaannada ayaa ka dooday qodobbada hindise-sharciyeedka, iyagoo su’aalo weydiiyey mas’uuliyiinta Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka iyo kuwa Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo kulanka ka qeyb galay.

Ugu dambeyn, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyey warbixinta akhrinta labaad ee heshiisyada u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee ku saabsan iskaashiga garsoorka caalamiga ah.