Muqdisho, 30 Sebtembar 2026 — Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdilqaadir Maxamed Nuur.
Rooble ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu galabta ugu yimid booqasho, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xaaladda dalka iyo sidii loo wada shaqayn lahaa, gaar ahaan arrimaha masiiriga ah ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa ku soo beegmaya xilli dalka uu marayo marxalad siyaasadeed oo ay hareeyeen doodo la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadda dalka.
Kulan dhex maray Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka
Sebteembar 30, 2026