Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa khudbad ka jeediyey Shirweynaha 153-aad ee Midowga Baarlamaanada Adduunka (IPU), oo si rasmi ah uga furmay magaalada Arusha ee dalka Tanzania, iyadoo shirku uu isu keenay madax iyo wakiillo ka kala socda baarlamaannada dalal badan oo caalamka ah.
Guddoomiyaha ayaa khudbaddiisa ugu horreyn dowladda iyo shacabka Tanzania uga mahadceliyey martigelinta shirweynaha iyo soo dhoweynta diirran ee loo sameeyey wufuudda ka qeybgalaysa kulanka.
Waxa uu sidoo kale ka hadlay himilada Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha Baarlamaan madax-bannaan, hufan oo loo dhan yahay, shacabka u dhow, isla markaana door muuqda ka qaata dowlad-dhiska, horumarinta dimuqraadiyadda iyo xoojinta isla xisaabtanka hay’adaha dowladda.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku tallaabsanayso geeddi-socod dimuqraadiyadeed, isagoo tilmaamay in doorashooyin toos ah ay ka dhaceen magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada dalka, oo ay ka mid yihiin Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, halka geeddi-socodka doorashooyinkuna uu meelo kale ka sii socdo.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyey muhiimadda xoojinta hay’adaha qaranka, wada-hadalka siyaasadeed iyo ka-qaybgalka shacabka, isagoo sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in Baarlamaanku noqdo hay’ad ilaalisa danaha shacabka Soomaaliyeed, xoojisa kalsoonida lagu qabo hay’adaha dowladda, isla markaana dowladda kula xisaabtanta gudashada waajibaadkeeda.
Waxa uu sheegay in arrimahaasi ay muhiim u yihiin dhismaha Soomaaliya nabdoon, horumarsan oo barwaaqo ah, iyadoo baarlamaanka iyo hay’adaha kale ee dowladda laga doonayo inay sii xoojiyaan doorkooda ku aaddan dowlad-dhiska iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed.
Shirweynaha 153-aad ee Midowga Baarlamaanada Adduunka ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa horumarinta dowlad-wanaagga, xoojinta iskaashiga baarlamaannada iyo awood-siinta bulshooyinka, iyadoo la adeegsanayo ka-qaybgal loo dhan yahay, kalsooni iyo fursado loo siman yahay.