U bood dhigaalka

Midowga Baarlamaannada Adduunka oo Doortay Madaxweyne Cusub

Oktoobar 9, 2026

Arusha, Tansaaniya – Midowga Baarlamaannada Adduunka (IPU) ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 9-ka Oktoobar 2026, magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ku doortay madaxweyne cusub, kaas oo noqonaya hoggaamiyaha ururkan caalamiga ah ee ay ku mideysan yihiin baarlamaannada dalalka dunida.

Milton Dick, oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Baarlamaanka Australia, ayaa ku guuleystay doorashada madaxweynaha cusub ee IPU, kaddib markii uu ka adkaaday labadii musharrax ee kale ee la tartamayay.

Labada musharrax ee laga guuleystay ayaa kala ahaa Sahiba Gafarova, Guddoomiyaha Baarlamaanka Azerbaijan, iyo Rojo Edwards Silva, oo ah senator ka tirsan Baarlamaanka dalka Chile.

Doorashada ayaa ka dhacday magaalada Arusha, iyadoo qeyb ka ahayd Shirweynaha 153-aad ee Midowga Baarlamaannada Adduunka.

Dhanka kale, wafdi ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo ay hoggaaminayso Senator Samsam Daahir Maxamuud, ayaa ka qeyb galay doorashada madaxweynaha cusub ee ururka.

Ka qeybgalka wafdiga Soomaaliya ayaa muujinaya doorka ay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin xiriirka iyo iskaashiga baarlamaannada caalamka, iyo ka qeybgalka go’aan-qaadashada ururka.

Midowga Baarlamaannada Adduunka (IPU) ayaa ah urur caalami ah oo u ololeeya dimuqraadiyadda, nabadda, wada-hadalka iyo iskaashiga baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah.