U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Kulan la Qaatay Guddiga Garsoorka iyo Arrimaha Diinta

Oktoobar 14, 2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan la qaatay Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka, kaas oo diiradda lagu saaray dib-u-eegista iyo casriyeynta Sharciga Ciqaabta Soomaaliya.

Kulanka oo uu sidoo kale ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa looga hadlay Hindise-Sharciyeedka Sharciga Ciqaabta Soomaaliya oo horyaalla Golaha Shacabka, iyadoo la doonayo in la waafajiyo isbeddellada bulsho, dhaqaale iyo teknoolojiyadeed ee dalka ka dhacay.

Doodaha kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray baahida loo qabo in sharciga ciqaabta lagu daro qodobo ka jawaabaya noocyada cusub ee dembiyada, gaar ahaan kuwa la xiriira teknoolojiyadda iyo nidaamyada macluumaadka, kuwaas oo u baahan hab sharciyeed casri ah oo wax looga qabto.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa sheegay in casriyeynta Sharciga Ciqaabtu ay muhiim u tahay xoojinta caddaaladda, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, sugidda amniga iyo dhowrista kala dambeynta bulshada.

Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya yeelato nidaam sharciyeed la jaanqaadaya baahiyaha bulshada maanta iyo kuwa mustaqbalka, si loo xoojiyo ku dhaqanka sharciga loona helo hannaan caddaaladeed oo wax ka qaban kara caqabadaha cusub ee dalka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo shuruucda dalka, si ay uga jawaabaan isbeddellada socda, una xoojiyaan caddaaladda iyo dowladnimada Soomaaliya.