U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada

Oktoobar 11, 2026

Muqdisho – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha Shacabka, iyagoo ka wada hadlay dardargelinta howlaha guddiga iyo dhammaystirka hindise-sharciyeedyada horyaalla.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa shaqada guddiga, loona dhammaystiri lahaa hindise-sharciyeedyada la xiriira xuquuqda aadanaha iyo arrimaha bulshada, kuwaas oo la doonayo in loo gudbiyo Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa guddiga faray inuu mudnaan gaar ah siiyo ka shaqaynta shuruucda la xiriirta xuquuqda haweenka, qoyska iyo carruurta, si loo xoojiyo ilaalinta xuquuqdooda iyo dhowrista karaamadooda.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo doorka Golaha Shacabka ee sharci-dejinta iyo korjoogteynta, gaar ahaan ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in Golaha Shacabka uu sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo dhowrista xuquuqda iyo karaamada muwaadin kasta, iyo helitaanka caddaalad loo siman yahay.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo howlaha guddiyada Golaha Shacabka iyo diyaarinta shuruucda la xiriirta xuquuqda aadanaha iyo arrimaha bani’aadanimada.