U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada

Oktoobar 15, 2026

MUQDISHO — Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa shir guddoomiyey kulanka 11-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, kaas oo ka tirsan Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guddoomiyaha ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah warbixin ka siiyey natiijooyinka Shirweynihii 153-aad ee Midowga Baarlamaanada Adduunka (IPU) iyo kulankii 21-aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika (EAC), kuwaas oo labaduba lagu qabtay magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

Sidoo kale, kulanka waxaa warbixinno looga dhageystay guddiyada kala duwan ee Golaha Shacabka, kuwaas oo ka hadlay hindise-sharciyeedyada iyo shuruucda ay gacanta ku hayaan, heerarka ay marayaan iyo waqtiga la filayo in ay soo dhammaystiraan.

Ugu dambeyn, Guddiga Joogtada ah ayaa dejiyey ajandaha iyo jadwalka kulamada guud ee Golaha Shacabka ee toddobaadka soo socda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xubnaha guddiga uga mahadceliyey dadaalkooda iyo wada-shaqeyntooda ku aaddan dardargelinta howlaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.