U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Ka Qaybgalay Xuska 9 Sano Guuradii Ka soo Wareegtay Qaraxii Soobe

Oktoobar 15, 2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa ka qaybgalay munaasabad lagu xusayay dadkii Soomaaliyeed ee ku naf waayay qaraxii 14-kii Oktoobar 2017 ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa lagu xusuustay dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii oo ay mas’uuliyiintu ku tilmaameen weerar argagixiso oo ay Khawaarijtu ka geysteen goobtaasi, kaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in 14-ka Oktoobar ay tahay maalin murugo iyo tiiraanyo ku reebtay shacabka Soomaaliyeed, xusuusteeduna aanay ka go’i doonin quluubta dadka Soomaaliyeed. Waxa uu xusay in qaraxaasi uu ahaa dhacdo naxdin leh oo lagu laayay boqollaal muwaadiniin ah oo aan waxba galabsan.

Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale Alle uga baryay dadkii ku dhintay qaraxaasi inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, eheladoodana uu ka siiyo samir iyo iimaan.

Xuskan ayaa qayb ka ah munaasabadaha loogu ducaynayo dadkii ku waxyeelloobay qaraxii Soobe, islamarkaana lagu xusuusanayo dhibaatadii uu dalka u geystay iyo xanuunka ay weli la nool yihiin qoysaskii ay musiibadu saamaysay.