Ciidanka Dowladda, Kuwa Deegaanka iyo Al-shabaab Ku Dhexmaray Hiiraan
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dagaal xooggan oo ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo isku dhinac iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Beeroyabaal oo hoostaga degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii ciidanka huwanta ah ay weerar ku qaadeen deegaanka, halkaas oo la sheegay in ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan Al-shabaab sida saraakiil ka tirsan ciidanka howlgalka fuliyay.
Dagaalka ayaa ahaa mid aad u xoogan oo qaatay dhowr saacadood oo xiriir ah, kasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jira khasaare soo kale gaaray dhinacyada ku dagaalamay Beero Yabaal.
Sarkaal u hadlay ciidamada macawiisleeyda ee weerarka culus ku qaaday deegaanka ayaa sheegay in ay dileen 5 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab , sidoo kale ay ku dhaawaceen tira kale sida uu hadalka u dhigay sarkaalkaasi.
Dagaalka ka dhacay deegaanka Beera Yabaal ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli deegaannada Hirshabeelle uu ka socdo abaabulka wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee dowladdu ku dhawaaqday in la qaadayo.
Goobjoog News