U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Iskushaandheyn iyo Magacaabis Ku Sameeyay Xukuumadda DANQARAN

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa isku-shaandheen iyo magacaabis ku sameeyay qaar ka mid ah golaha wasiirrada xukuumadda DANQARAN ee uu hoggaamiyo, iyadoo xilkaqaadis lagu sameeyay wasiirkii maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya , Xildhiban Biixi Iimaan Cige ayaa loo magaacabay wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Fedederalka Soomaaliya, waxaana xilkaa laga qaaday Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo hore u ahaa Wasiirka Maaliyadda.

Sidoo kale Dr Cilmi Maxamed Ibraahim oo ahaa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa loo magacaabay wasirrka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federalka, waxaana xilkaan laga qaaday xildhibaan Biixi Imaan Cige oo loo magacaabay wasiirka wasaaradda maaliyadda dowladda Federalka.

Dhanka kale Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay wasiirudowlayaal, Jeylaani Abuukar Shiikh ayaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda Diinta iyo Owqaafta, Sadaad Maxamed Caliyow waxaa loo magacaabay wasiirudowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib-u-heshiisiinta.

Sikastaba ha ahaatee isku-shaandheyntaa ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa xilli dhowaan uu soo ifbaxay khilaaf u dhaxeeya wasiirka maaliyadda, xukuumadda federalka iyo Villa Soomaaliya, taas oo ka dhalatay shaqa joojin lagu sameeyay saraakiil ka tirsanaa wasaaradda Maaliyadda, iyadoo dib loogu celiyay.

Goobjoog News