Ciidamo Ka Tirsan Africom iyo Danab oo Fariisimo Ka Sameysay Gobolka Galgaduud
Wararka aan ka helayno Degmad Galcad ee gobolka galgaduud ayaa sheegaya halkaas fariisimo ay ka samaysteen ciidan ka socda Mareynkanka.
Ciidankan ayaa lagu soo waramayaa in ay yihiin kuwa ka tirsan howlgalka AFRICOM kaas oo la dagaalama kooxda Al- Shabaab.
Fariisamahan ayaa ah mid cusub oo sida wararka ay sheegayaan noqon doona mid Ciidanka Mareykanka ay ka duuli doonaan si ay ciidanka dowladda uga taageeraan Wajiga labaad ee dagaalka Al-shabaab.
Sidoo kale waxaa Degmada Galcad Fariisimo ka samaystay ciidanka DANAB kuwaas o dagaal kula jira kooxda Al- Shabaab.
Degmada Galcad oo ku taala Bariga Galgaduud ayaa ka mid ah deegaanadii laga saaray kooxda Al- Shabaab , halkaas oo in muddo ay maamulayeen kooxda.
Waxaana dhowaan deegaanka ka dhacay weerar ay soo qaaday kooxda, kaas oo algu dilay taliye ku-xigeenkii ciidanka DANAB iyo saraakiil kale.
Saraakiisha Dowladda Soomaaliya wali wax faahfaahin ah ma aysan ka bixin saldhiga ciidan ee Mareykanka uu ka samaystay degmada Galcad ee Bariga Galgaduud.
Ciidamdaan degay deegaanka Galcad ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa xilli ciidankii ugu badnaa ee xoogga dalka lagu daabulay Hirshabeelle iyo Galmudug.
Goobjoog News