U bood dhigaalka

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Booqday Machadka Ciidamada Dalka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo booqasho shaqo ku jooga caasimadda dowladda Qatar ee DOHA ayaa maanta soo booqday Kulyadda Ciidamada ee Axmed Bin Muxammad iyo Machadka luqadaha ee Ciidamada.
Booqashooyinka wasiirka iyo wafdigiisa ay booqdeen kuliyadda iyo machadka ayaa daaran sidi loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka tacliinta ciidamada ee Wasaaradaha Difaaca labada Dal, Qatar ayaa ka mid ah dowladaha taageerada siiya Soomaaliya.
Booqashada Wasiirka ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa xilli dowaan safar nuucaan oo kale ah uu ku tagay dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta, waxaana dowladda Soomaaliya ay taageero u raadinaysaa wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah ee Al-shabaab .
Goobjoog News