Bangiga Adduunka $75 Million Ugu Deeqay Dowladda Soomaaliya
Sheeko:Arrimaha Amniga
Guddiga Sare ee Maamulka Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay deeq lacageed oo gaareysa $75 milyan oo loogu talagalay kabka miisaaniyadda Dowladda, deeqdaas ayaa ka timid barnaamijka horumarinta Siyaasadda Dhaqaalaha (DPO) lagu magacaabo.
Dowladda Federalka waxa ay si buuxda u soo dhaweyneysaa, kana mahadcelinaysaa taageerada kabka Miisaaniyadeed ee Bangiga Adduunka uu ugu deeqay Dowladda Soomaaliya, kaas oo qeyb ka ah taageerada Bankiga uu siiyo Soomaaliya.
Taageeradaan Maaliyadeed waxa ay imaaneysaa xilli muddooyinkii dambe dowladdu ay ku howlaneyd dib u habeynta dhaqaalaha dalka, iyadoo dadaalada aan ugu jirno kobcinta dhaqaalaha loo dhan yahay, kaas oo sare loogu qaadayo dhaqaalaha dalka.
Goobjoog News