U bood dhigaalka

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga Hadlay Amniga, la gu na Ansixiyay Hindise-Sharciyeed Muhiim ah

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta Soomaaliyeed.

Hindise-Sharciyeedkan oo ay soo gudbisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa ah mid ilaalinaya xuquuqda caruurta Soomaaliyeed, meeshana ka saaraya wax walba oo ku xadgudbaya xuquuqdooda.

Golaha ayaa warbixin la xiriirta amniga guud ee dalka iyo wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ka dhageystay  Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

Golaha ayaa bogaadiyey billowga wajiga labaad ee howlgalkan oo qorshuhu yahay in lagu xoreeyo goobaha ay ku sugan yihiin Al-shabaab ee deegaannada Galmudug iyo Hirshabelle.

Golaha ayaa sidoo kale la horkeenay warbixinno la xiriira Guddiga Qiimaynta Amniga Xarumaha Dowladda, Qorshaha Dardar-gelinta Dakhliga Gudaha iyo Hannaanka mideynta kormeerka & Qiimaynta Qaran ee Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 9-aad iyo Ilaalinta deegaanka oo ay soo bandhigeen Wasaaradaha Maaliyadda, Qorsheynta, Amniga Gudaha iyo Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada.