U bood dhigaalka

“Puntland Xildhibaan uma Dirsaneyno “Golaha Dhaqanka SSC Khaatuma

Golaha sare ee dhaqanka SSC- Khaatumo ayaa ku dhawaaqay in aysan wax xildhibaano ah u dirsan doonin maamulka Puntland, sidoo kale, kuwii horey u joogayna aysan u cusboonaysiin doonin inay kusoo laabtaan kuraastooda, kadib kulan aan loo kala kicin oo ismadu yeesheen.

Golaha waxay sidoo kale ugu baaqeen labada xubnood ee kasoo jeeda SSC Khaatumo ee ku jira guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanka Puntland, inay is iscasilaan, tan ayaa meesha ka saari doonto xildhibaannadii SSC Khaatuma uga jiray golaha Wakiillada.


Go’aanka kasoo baxay Golaha sare ee dhaqanka SSC Khaatuma ayaa waxaa soo dhoweeyay hoggaamiyaha maamulka Firdhiye, isaga oo ku tilmaamay go’aan taariikhi ah oo ay gaareen golaha sare ee dhaqan, waxaana uu xusay in aysan maamul ay ku darsami doonaan jireynin.

” Ma jiri doono qof deegaannada SSC-Khaatumo ka soo jeeda oo ka qaybqaadan doona doorashooyinka loo madlanyahay ee Dawladda Puntland, sidoo kale ma jiri doonaan cid SSC-Khaatumo ku meteli doonta goleyaasha Maamulka Puntland” ayuu yiri hoggaamiye firdhiye.

Go’aanka kasoo baxay Golaha sare ee dhaqanka SSC- Khaatumo ayaa imaanaya xilli siweyn loogu muransanaa maalmihii dambe sida loosoo xulay 17-ka xildhibaan ee deegaannada Khaatuma kasoo galaya Baarlamaanka Putland oo sheegata in ay maamusho deegaannada.