U bood dhigaalka

Puntland: Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa oo Socota

Hoolka Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa ka socda doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka maamulka oo maanta oo Isniin ah ka ka bilaabatay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, waxaana muuqata in si aad ah loogu tartamayo doorashada madxtinimada.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada dowlad goboleedka Puntland Cabdirisaq Axmed Siciid ayaa sheegay inta doorashada socota la joojiyay wax dhaq-dhaqaaq ah ” Inta doorashadu socoto wax dhaqdhaqaaq ah lama sameyn karo albaabada waa la xirayaa”. Ayuu yiri guddoomiye Cabdirisaaq oo ka hadlayay.
11 musharrax oo uu ku jiro Madaxweynaha hadda xilka haya mudane Saciid Cabdullaahi Dani ayaa u taagan xilka Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland, iyadoo sidoo kale xilka madaxweyne kuxigeenka iyana waxaa ku tartamaya 11-kale, waxaana ku jira musharaxiin musiin ku leh Puntland.

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaalada meel kasta lagu arkayaa ciidanka amniga sugaya, iyadoo dadweynaha isku-socodkooda aad loo koobay meelaha, waxaana inta badan magaalada lagu arkayaa ciidamo kale duwan oo ammaanka magaalada iyo goobta intaba sugaya.

Doorasha Punland oo sanadkaan la filayay in ay noqoto doorasho qof iyo cod ah ayaa suurtogal noqon waysay, kadib khilaaf xooggan oo xareeyay madaxweynaha talada hayay Siciid Deni iyo mucaaradka oo ka biyo diiday doonistiisa, taas oo keentay in gacan ka hadal khsaare dhaliyay uu ka dhaca caasimadda.