U bood dhigaalka

Akhriso: Ajandaha Looga Hadalay Kulanka Golaha Wakiillada Puntland oo Qabsoomay

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta waxaa goob-joog ahaa 54 Xildhibaan, Ajandaha ayaa ah Ansixinta Barnaamjika Xukuumadda iyo mas’uulyiinta u baahan xasaanada-siinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, kuwaa soo Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Golaha horkeeneen.

Madaxweynaha ayaa Golaha Wakiillada la wadaagay, Xubnaha Golaha Wasiirada ee cusub iyo Barnaamij Siyaasadeedka Xukuumadda, wuxuuna Golaha la wadaagay qorsheyaasha xukuumadda ee dhinaca Amniga, Garsoorka, Arrimaha Bulshada, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda , wuxuuna ka codsaday Xildhibaanada Golaha Wakiillada in ay ansixiyaan xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada oo lagu soo xulay aqoontooda iyo waaya-aragnimadooda.

Inta kadib, waxaa Golaha Taariikhdooda waxbarasho iyo shaqo ka jeediyay Golaha Wasiirada ee cusub. Xildhibannada Golaha Wakiillada ayaa si waafaqsan Dastuurka Dawladda Qodobkiisa 64-aad Cod aqlabiyad ku ansixyey Barnaamjika Xukuumadda iyo Xubnaha Golaha Wasiiradda cusub.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa kulan dar-daarmay inay Wasiiradda la siiyey Xasaannada in ay xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka, islamarkaan u adeegaan shacabka Puntland kadib dhowaan markii ay soo idlaadeen doorashooyinka iyo arrimaha kale.