U bood dhigaalka

Galmudug iyo Hirshabeelle oo Tartanka Maamulka Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir Lagu Daahfurayo

Waxaa lagu wadaa in maanta tuulada Ciyaaraha Stadium Muqdisho uu ka furmo tartanka dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir, kaas oo sanadkaan ka xiiso badan sanadadii hore marka loo eego martigelinta garoonka Muqdisho Stadium.

Tartan ayaa sanadkaan waxaa ka qeybgalaya maamullada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Maamulka gobolka Banaadir, waxaana arrimo siyaasadeed uga maqan maamulka Puntland oo galaya doorashooyin madaxda iyo Baarlamaanka.

Ciyaarta furitaanka galabta ayaa waxaa taranka lagu daahrogi doonaa maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle, xilli la xasuusto in Galmudug ay gaartay finalka tartankii ugu dambeeyay oo Rigoorooyin uga qaaday maamulka gobolka Banaadir oo ku guuleystay.

Koobkaan ayaa la ciyaari doonaa bisha Janaury 2024, sanadkaan ayaa tartanka waxaa ka jira hardan aad u adag oo aan la ogeyn cidda ku guuleysan karta wallow aan Meesha laga saari Karin in sanadkaan mar kale gobolka Banaadir uu isku dayayo inuu difaacdo tartanka