U bood dhigaalka

Muqdisho: Dib u dhac Kuyimid Tartanka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa habeenkii xalay ku dhawaaqay in dib loo dhigay muddo laba maalin ah tartanka kubada cagta dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee shalay ka furmay Muqdisho, kaas oo lagu daahfray maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Qoraal ka soo baxay xiriirka ayaa lagu xusay in waxkabedel lagu sameynayo jadwalkii hore, kaas oo kooxaha qaar ay cabasho ka muujiyeen marka la eego, sida Koonfur Galbeed oo ciyaar ku qorneyd 3 maalin oo xiriir ah oo ay la kala ciyaareyso maamullo kale duwan tartanka.
“Guddiga Farsada Iyo Tartamada Ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed , Iyo Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Cayaaraha JFS ,Waxay Raaligelin Buuxda Siinayaan Dhamaan Taageerayaasha Tartanka Dowlad Goboleedyada Iyo Gobolka Banaadir Iyo Dhamaan Bagdad Sports ka Ciladihii farsamo Iyo Daaha Cayaarta Galabta Ku Timid” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.

‘Sidoo Kale Waxay Si khaas uga raaliginayaan Taageerayaashii Galabta U Saamixi Weysay inay Daawadan Tartanka Ayaga oo Tikityo Soo Jartay. Ugu Dambeyn Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Waxa uu idin Ku Wargelinayaa in Cayaarta Beri Ee Banaadir VS Koonfur Galbeed dib loo dhigay lana Cayaari Doono Maalinta Isniinta 1da Janaayo 2024” ayaa la siiraacsiiyay qoraalka kasoo baxay xiriirka kubadda cagta.
Dib u dhaca ku yimid tartanka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalinimadii shalay laga daahfuray garoonka Muqdisho Stadium oo martigelinaysa sanadkaan, waxaana manta ku madlansanaa ciyaarta kooxda maamulka gobolka Banaadir iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.