U bood dhigaalka

Kooxda Kubadda Cagta ee Banaadir oo Garaacday Galmudug, Qabatana Hoggaanka

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda maamulka gobolka Banaadir ayaa guuleysatay wareegga sedexaad kulan xiiso leh oo ay la qaadatay kooxda Galmudug, kooxda gobolka ayaa kusoo laabatay hoggaanka tartanka, ka hor kulanka ay la qaadan doonto kooxda Jubbaland oo ay aad u liidato rajada ay ka qabto iney usoo baxdo tartanka.

Ciyaarta galabta ka dhacday Garoonka Stadium Muqdisho ayaa aheyd middii ugu adkeyd tartanka, xilli taageerayaasha labada dhinac ay qaateen doorkooda, kooxda Galmudug ayaa hoggaamisay ciyaarta qeybtii hore gool ay heleen, laakiin masiinagaan qeybtii labaad Banaadir ayaa la timid labad gool.

Kooxda Galmudug ayaa dhankeeda kusoo bixi karta tartanka halka ugu hooseysa, haddii aysan guul kala imaan kulanka ay wareega 4-aad la qaadan doonto kooxda Koonfur Galbeed oo kulankii ugu dambeeyay guul soo laabasho ah ka gaartay Jubbaland oo wareegga soo aadan ay wada ciyaari doonaan Banaadir.

Kooxda kubadda cagta Galmudug ayaa noqotay kooxda goolasha ugu badan laga dhaliyay tartanka intii uu socday, waxaana iskugeyn ay qaadatay goolal gaaray 5 gool oo shabaqooda la gaaray, waxaana ay hadda ku jirtaa kaalinta 3-aad ee kala sareynta tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.


Gobolka Banaadir ayaa sedex dhibcood laga jaray kulankii ay la qaateen Shirshabeelle, kadib foowdo ka dhacday garoonka ciyaartii u dhaxeyey iyaga iyo Hirshabeelle, tartanka ayaa soo gaaray meelo xiiso badan marka la eego sida ay usocdaan, waxaana hoggaaminaysa kooxda maamulka gobolka Banaadir.