U bood dhigaalka

Muqdisho oo ay Ka Socdaan Dibadbaxyo Ballaaran oo Looga Soo Horjeedo Itoobiya

Magaalada Muqdisho waxaa ay maanta martigelinaysaa dibadbaxayo waaweyn oo looga soo horjeedo damaca Itoobiya ee ku Aadan dhulka iyo Badda Soomaaliya,shacabka caasimadda iyo ayaa isugu soo baxay goobo cayiman oo dowladdu ay u asteysay in lagu qabto bannaanbaxyada ku diidan yihiin Itoobiya.

Bartamaha magaaladda iyo goobaha loo cayimay ee magaaladda ayaa dadka dibad baxaya ay isugu yimaadeen kuwaas oo ku muujinaya dareenka ka dhanka ah damaca gurracan ee dowladda Itoobiya, waxaana kula hadlaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Isgouska KM4 iyo Taallada Daljirka Daahsoon.

Qaybaha kala duwaan ee bulshada ayaa saakay u soo dhaqaaqay goobahaas ay ka dhacayaan bannaan baxayda waxaan si weyn u sugay amniga iyo habsami u socodka dibad baxaa laamaha amniga qeyba hooda kala duwaan oo lagu arkayo wadooyinka magaaladda Muqdisho iyo oo wata boorar kale duwan.

Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre, Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi, mas’uuliyiin kale iyo qeybaha bulshada ayaa sidoo kale qeyb ka ah bannaaanbaxyada ka socda magaalada Muqdisho, kaas oo ka ballaaran kana mugweyn dibadbaxyadii hore arrinkaan lagu diidanaa.

Guud ahaan dalka ayaa muddooyinkii danbe waxaa ka dhacayay Bannaan baxayo waaweyn oo looga soo horjeedo hishiis ku sheeg ay wada galeen maamulka Somaliland iyo dowladda Itoobiya ay ugu saxiixday 20km biyaha badda Cas, dowladda ayaa arrinta u wajahday qaab diblumasiyadeed oo dunida loo tusay.

Dowladda Soomaliya ayaa si weyn uga hortimid damaca gurracan ee dowladda Itoobiya ay ku doonayso in ay ku xadgudubto madaxbannaanida dhulka iyo Badda Soomaaliya, waxaana jiray dowlado badan oo cod ku taageeray dowladda Soomalaiya Itoobiya lagu cambaareeyay xadgudubka ay ka wado Soomaaliya.

Bannaanbaxaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli bannaanbaxyo waaweyn sidoo kale ay maalmahaan ay ka dhacayeen deegaannada Somaliland, kuwaas oo lagu diidan yahay heshiiskii 1bisha ka dhacay Addis Abbaba ee lagu gaaray in dowladda Itoobiya ay bad ku yeelato deegaannada gobollada Waqooyi.