U bood dhigaalka

Kooxda Kubadda Cagta ee Galmudug oo Garaacday Koonfur Galbeed, Una Gudubtay Semi-Finalka

Sheeko:Cayaaraha

Galmudug ayaa u gudubtay semi final-ka Tartanka dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir, kadib markii 3 iyo waxba ay ku martay kooxda Koonfur Galbeed ciyaar xiiso badan oo galabta ay ku wada qaateen garoonka Stadium Muqdisho oo ay isku wajaheen.

Galmudug ayaa kulankaan waxuu u ahaa muhiimad gaar ah, waxaana ay ciyaareen ciyaar u muuqatay Guul ama Geeri, maadaama kulankaan uu ahaa kulankii ugu dambeeyay ee wareegga ay kula kulantay kooxaha marka la eego, waxaana guushaan ay ka dhigtay in ay kusoo baxdo 7 dhibcood oo nadiif ah.

Koonfur Galbeed oo gacanta ku heysata kulan kale oo ay la ciyaareyso Hirshabeelle ayey waajib ku tahay in ay badiyaan si ay u tiigsadaan afardhammaadka, waxaana ay sugi doonaan natiijada kasoo baxi doonta gobolka Banaadir iyo kooxda Jubbaland oo isku wajihi doona ciyaartooda ugu dambeysa dhanka groupka.

Galmudug iyo kooxda gobolka Banaadir ayaa ilaa iyo hadda la yimid dhibcaha ugu badan oo waxa ay kala wataan 7 dhibcood oo Galmudug ah iyo kooxda gobolka o oleh 6 dhibkood, waxaana ay kusoo bixi kartaa 9 dhibcood haddii kulankeeda ugu dambeeyo ay ka adkaato kooxda Jubbaland oo kulan iyo 3 dhibac leh.

Kooxaha Jubbaland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa ku dagaalamaya u soo bixitaanka tartanka, xilli ay mid waliba ay heysato rajo midda kale ku xiran, waxaana ugu dhibco sareysa kooxda Hirshabeelle, taas oo sedex kulan wadata 4 dhibcood, halka labada kale ay wataan min sedex dhibcood oo kaliya.

Tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa soo gaaray heer gabagabo ah, waxaana loo gudbayaa wareegga afar dhammaaadka oo laga rabo afar koox, waxaana tartanka isaga hari doonta kooxda kusoo baxda kaalinta 5-aad ama ugu dhibcaha yar, Banaadir iyo Galmudug ayaa hadda diyaar ah.