U bood dhigaalka

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka oo Maanta Ansixiyay Xisaabxir-ka Miisaaniyadda 2022


Guddoomiye Ku-Xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa shir guddoomisay Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 9-aad Labada Gole ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana ku wehelinayay guddoomiye ku-xigeennada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.


Ajandaha kulanka ayaa ahaa warbixinta akhrinta 3-aad ee xisaab xirka Miisaaniyad sanadeedka 2022-kii.


Xoghayaha Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Labada Aqal ee BJFS Mudane Cabdulqaadir Xusen Cabdi (Uurdoox) ayaa Xildhibaannada labada gole warbixin guud ka siiyay akhrinta 3-aad ee xisaab-xirka Miisaaniyad sanadeedka 2022-kii, isagoona mid mid u dul istaagay qoondooyinki ku baxay wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah waxa uuna sheegay in Guddigu uu ku soo biiriyay talooyinkii xildhibaanada ay soo jeediyeen Akhirinta 2aad xisaab xirka miisaaniyad sanadeedka 2022 Sidoo kale Xoghayaha waxa uu sheegay in Guddigu wasaaradda uu farayo in Xisaab xirka ay usoo gudbiso Goloyaasha ugu dambeyn 30ka Juun.


Sidoo kale waxa uu sheegay in wasaarada Golayaasha usoo gudbiso lifaaqyada Xisaab Xiradda deeqaha ay siiso Dowlad Goboleeyada iyo Gobolka Benaadir ee ka baxa khasnada Dhexe ee dowlada iyo lifaaqyada Xisaab Xiradda mashaariicda marta Khasnada Dhexe ee dowlada taasoo aada Dowlad Goboleeyada iyo Gobolka Benaadir.


Intaasi kadib Guddoomiye Sacdiya ayaa cod galisay xisaab xirka Miisaaniyad sanadeedka 2022-kii.Waxaana Haa ugu codeeyay 177 Xildhibaan waxaana Diiday 1 Xildhibaan waxaana ka aamusay 1 Xildhibaan.


Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xildhinaan Biixi Iimaan Cige ayaa Xildhibaanada ugamahadceliyay ansixinta xisaab xirka Miisaaniyad sanadeedka 2022-kii


IntaasKadib Guddoomiye Ku-Xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa soo xirtay kulanka maanta.