U bood dhigaalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Maanta Furay Buugga Tacsida ee Guddoomiyihii Hore ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa furay buugga tacsida ee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

buugga tacsida oo ay masuuliyiin badani saxiixeen ayaa muddo seddax maalmood ah ka furnaan doona gurigii uu ku geeriyooday guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida guddoomiyihii hore.

Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo dowladnimada Soomaaliya kaalin weyn ka soo qaatay ayay geeridiisu wada taabatay dhammaan bulshada Soomaaliyeed.