U bood dhigaalka

Mareykanka: Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota oo Dhigaya Dibadbax Lagu Diidan Yahay Damaca Itoobiya

Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota ee dalka Marekanka ayaa ku dhawaaqay in ay qabanayaan dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo damaca Itoobiya ee Badda iyo Dhulka Soomaaliyeed, xilli kulan ay isugu yimaadeen jaaliyadda Soomaalliyeed ee kunool gobolkaas oo siweyn u degan yihiin.

Jaaliyadda Soomaaliya ee Gobolka Minnesota oo kulankii ay isugu yimaadeen ku sheegeen in maalinta Jimca ah ay qaban doonaan dibadbax ballaaran oo ay ku muujin doonaan sida uga soo horjedaan ayna ku taageerayaan mowqifka dowladda federalka ee ay uga hortimid damaca gurracay Itoobiya ee Badda.

Qaar kamid ah Soomaalida Minnesota oo la hadlay Warbaahintaa ayaa sheegay in.ay marna aqableynin in taako kamid ah dhulka iyo Badda Soomaaliya Itoobiya ku soo xadgudubto, dowladana iyo ku garab taaganyihiin go’aanka adag ee ka qaadatay damaca liito ee Itoobiya, kadib heshiiskii is-afgardka ahaa.

“Waxaan u taaganahnay midnimada iyo jiritaanka ummadda soomaaliyeed iyo sidii aan u muujin lahayn isku duubni Soomaali meel walbo oo ay joogto” sidaa waxaa jiri mid kamid Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota oo warbaahinta u sharaxay go’aankii kasoo baxay kulankii ay yeesheen jaaliyadda gobolka.
Tan iyo horaantii bishaan markii Addis Abba heshiis beenaad ay kuwada saxiideen Ra’iisul wasaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Muusa Biixi waxa isa soo taray sida soomaali meel walba oo ay joogta u muujiyeen in aan lagu soo xadgudbi karin.qarannimada iyo jiritaanka qaranimo.

Dibadbaxan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli sidoo kale gudaha dalka ay ka dhaceen bannanbaxyo lagu diidan yahay damaca dowladda Itoobiya, waxaana xusid mudan in dowladda Soomaaliya dhanka caalamka ay ka heshay taageero xooggan oo ku aadan diidmada ku xadgudubka Itoobiya ee Soomaaliya.