U bood dhigaalka

Galmudug oo Ku Guulaysatay Tartanka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2024

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda Kubadda Cagta ee Galmudug ayaa noqotay Champions-ka dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka 2024, kadib markii ay ku guuleysteen tartanka, citaar xiiso badan oo ay la qaateen dhiggooda Hirshabeelle, waxaana ugu dambeyn ciyaartu kusoo idlaatay Rigoorooyin ay Galmudug ku guuletsatay.

Ciyaartu waxaa ay aheyd mid xiiso badan oo dhinacyadu waxaa ay soo bandhigeen dadaallo kale duwan oo mid walba ay ku doonayso iney noqoto midda libinta hesha, laakiin dhinacyadu kuma guuleysan in ay gooldhaliyaan, waxaa ay labada qeyb kusoo dhammaatay goolal la’aan, ytadoo Rigoore tuuris la aaday.

Galmudug oo nasiibka u heshay tuurashada koowaad waa ay dhalisay, halka Hirshabeelle laga qabtay, taas oo rajada Galmudug sare u qaaday, tuurashada ayaa sii socotay kuna soo idlaatay 5 -3 oo koobkii Galmudug ku hanatay, waana markii koowaad oo ay ku guuleystaay xilli 2020 laga qaaday finalkaasina.

31 cisho oo tartanku uu socday ayaa waxa galabta waxaa soo xiray kooxihii daahfuray tartanka 29-kii December 2023, waxaana ay soo kala mareen waddooyin kale duwan, iyaga oo ugu dambeyn gaaray Finalka tartanka, Galmudug ayaa noqotay Champions-ka tartanka dowlad goboleedyada iyo Banaadir.
Tarankii ugu dambeeyay waxaa ku guuleysatay kooxda gobolka Banaadir, taas oo Galmudug ay kusoo reebtay Semo-finalka, Hirshabeelle ayaa markii ugu horeysay timaaday finalka tarka, tartanka ayaa sanadkaan ahaa mid xiiso gaar ah lahaa marka la eego sida dhinacyadu ay uga soo wada qeyb galeen.

Garoonka Stadium Muqdisho midka ka baaxadda weyn kuwa yaalla Yurub ayaa sanadkaan ahaa mid aad indhaha caalamka ugu soojeediyay tartan taageerayaasha ayaa ahaa kuwa shidayay shumaca Muqdisho Stadium, halagu kala batee Tuulada ciyaaraha waxaa soo maray 31 cisho oo indha caalamka uu hayay.