U bood dhigaalka

Akhriso: Ajandaha ay Ka Wadahadleen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Safiirka Jaamacadda Carabta

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay safiirka ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaliya Mudane Cabdullahi bin Mudlaq alcutaybe .

Inta uu kulanku socday, arrimaha laga wada hadlay waxaa ugu muhiimsanaa; howlaha dib u heshiisiinta , Xasillinta dalka iyo iskaashi dhexmara Wasaaradda iyo Jaamacadda Carabta ee dhinacyada nabad-dhiska Soomaaliya iyo arrimo kale.

Jaamacadda Carabta ayaa sanad siweyn u garab istaagtay dowladda Soomaaliaya kadib markii ay soo baxday xiisadda dhanka badda ee dowladda Soomaaliya kala dhaxeyso Itoobiya oo ku xadgudubtay madaxbannaanida dalka.