U bood dhigaalka

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Dhacdadii Lagu Laayay Falastiiniyiinta Gargaarka Safafka Ugu Jiray

Sheeko:War

Midowga Afrika ayaa bayaan uu soo saaray ku cambaareeyay dhacdadii ciidamada Israel Khamiistii ay ku laayeen dad Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa goob gargaar laga qeybinayay, halkaas oo lagu dilay 110 ruux, halka 760 kalena ay soo gaareen dhaawacyo sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaaadka Falastiin.


“Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mudane Mousa Faki Mahamat wuxuu si adag u camaaraynayaa weerarka ciidamada Israa’iil ee ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen in ka badan 100 falastiiniyiin ah oo raadinayey gargaar naf badbaadin ah woqooyiga Qasa eee la haysto kaas oo dhacay Khamiistii 29 Febraayo 2024” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray guddigu.


Ururka ayaa ku baaqay in baaritaan degdeg ah la sameeyo si loola xisaabtamo cidda dhabta ah ee ka dambeysay dilka dadka rayidka ah, dhacdadaan ayaa noqotay mid siweyn caalamka uga gilgishay, waxaana siyaabo kale duwan Israel loogu cambaareeyay arrintaan lagu laayay dadka Falastiiniiinta ah.


Dagaalka ka socda magaalada Gaza oo galay bishii 5-aad ayaa waxaa ku nafwaayayb in ka badan 23,000 oo reer Falastiin ah, kuwaas oo shacab u badanaa, waxaana hadda socda dadaallo caalamku ay wadaan oo xabadjoojin looga abuurayo magaalada Gaza, xilli Mareykanku dhowr jeer uu diiday hirgelinteeda.