U bood dhigaalka

Wasiirka Amniga oo Kulan La Qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska u Fadhiya Soomaaliya

Sheeko:War

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo la kulmay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mudane Mike Nithavrianakis, ayaa kala hadlay xoojinta taageerada ay UK siiso hey’adaha amniga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay siiyaan ciidanka amniga, iyada oo diiradda la saarayo dhisidda awoodda ciidamada amniga, bixinta qalabka iyo ka-hortagga xagjirnimada rabshadaha wadata, taas oo door muhiim ah ka qaadanaysa xasilloonida iyo amniga Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa sheegay in iskaashiga iyo taageerada joogtada ah ee UK ay siiso ciidanka amniga ay lagama maarmaan u tahay in la sii wado horumarrada laga gaarayo nabadda iyo amniga Soomaaliya, xilligaan lagu jiro wajiga labaad ee howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

Dhankiisa, Danjire Nithavrianakis, ayaa sheegay in Dowladdiisu ay sii wadi doonto taageerada ay siiyaan Soomaaliya ee dhinaca amniga, si loo gaaro nabad waarta, loogana guuleysto kooxaha Khawaarijta ah