U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Liibiya oo xoojinaya iskaashiga socdaalka iyo arrimaha muwaadiniinta

Sebteembar 25, 2026

Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Liibiya ayaa ku heshiiyey in ay xoojiyaan wada-shaqeynta iyo isku-duwidda labada dal, gaar ahaan arrimaha la xiriira socdaalka iyo xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha Liibiya.

Arrintan ayaa lagu soo qaaday kulan ka dhacay magaalada New York, kaas oo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cali, uu la yeeshay Daahir Saalim Al-Baour, oo ah mas’uulka maareeya arrimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Liibiya.

Kulanka ayaa ka dhacay dhinacyada hawlaha Kalfadhiga 83-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayadoo Labada mas’uul ay ka wada hadleen dhowr arrimood oo khuseeya xiriirka labada dal, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Liibiya iyo iskaashiga dhinaca socdaalka.

Soomaaliya iyo Liibiya ayaa sidoo kale isla qaatay in la sii xoojiyo isku-duwidda iyo wada-shaqeynta labada dowladood si wax looga qabto arrimaha labada dhinac ay danaha wadajirka ah ka leeyihiin.

Arrimaha socdaalka ayaa muhiimad gaar ah u leh xiriirka Soomaaliya iyo Liibiya, maadaama Liibiya ay tahay mid ka mid ah waddamada muhiimka ah ee Waqooyiga Afrika ee ay maraan muhaajiriin badan oo doonaya in ay u gudbaan dalalka Yurub.

Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa sidoo kale ka mid ah dadka ku sugan waddankaas, taas oo ka dhigaysa xaaladdooda iyo ilaalinta xuquuqdooda arrin si gaar ah muhiim ugu ah dowladda Soomaaliya.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo diblomaasiyadeed oo ay Soomaaliya ka waddo magaalada New York inta uu socdo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Dowladda Soomaaliya ayaa kulamadan uga faa’iideysanaysa xoojinta xiriirrada ay la leedahay dowladaha kale iyo ka wada-hadalka arrimaha khuseeya danaha Soomaaliya iyo muwaadiniinteeda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in labada dhinac ay muujiyeen diyaar garow ay ku sii xoojinayaan iskaashiga, gaar ahaan dhinacyada socdaalka iyo arrimaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Liibiya, iyadoo la doonayo in labada dowladood ay yeeshaan isku-duwid dhow oo ku saabsan arrimahaas.