Dagaallada ka socda dalka Yemen ayaa sababay barakac ballaaran, iyadoo boqollaal qof oo Yemen ka soo gudbaya ay gaareen xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada Puntland iyo Somaliland.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa sheegtay in dagaallada Yemen ay barakiciyeen in ka badan 130,000 qof tan iyo bilowgii Sebteembar.
Qaar ka mid ah dadka ka soo cararaya colaadaha ayaa gaaray dalalka ku yaalla Geeska Afrika. In ka badan 3,000 qof ayaa la sheegay inay gaareen Jabuuti, halka boqollaal kale oo isugu jira Yemeniyiin iyo Soomaali dib ugu soo laabanaya dalkooda ay soo gaareen xeebaha Puntland iyo Somaliland.
UNHCR ayaa sidoo kale ka digtay in tirada dadka isku dayaya inay badda kasoo gudbaan ay kordhi karto bartamaha bisha Oktoobar, xilligaas oo la filayo inay yaraadaan dabaylaha iyo hirarka badda.
Soomaaliya ayaa muddo dheer kamid ahayd meelaha ay soo gaaraan dadka ka soo cararaya colaadaha Yemen, iyadoo dadka dalka kasoo gudba ay u baahan yihiin hoy, cunto, biyo, caafimaad iyo adeegyo kale oo bani’aadannimo.o
Si kastaba, UNHCR weli ma aysan shaacin tirada saxda ah ee dadka cusub ee gaaray dekedaha iyo xeebaha Puntland iyo Somaliland.
Xaaladda Yemen oo sii xumaanaysa ayaa sidaas darteed kordhin karta cadaadiska bani’aadannimo ee ka jira gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan meelaha ay dadka kasoo gudbaya badda ku soo gaaraan.