Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga daah-furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF 2026).
Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya, isku-duwidda dadaallada gurmadka iyo sidii loo xoojin lahaa diyaar-garowga ka hortagga khataraha dabiiciga ah ee laga cabsi qabo inay saameeyaan bulshada.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in shirka uu ku soo beegmay xilli loo baahan yahay diyaar-garow hore iyo qorshe mideysan, iyadoo la saadaalinayo roobab xooggan iyo fatahaado la xiriira xaaladda cimilada ee El Niño.
Mudane Cali Xoosh ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda, dowlad-goboleedyada, hay’adaha samafalka iyo bah-wadaagta caalamiga ah ay si wadajir ah uga shaqeeyaan yareynta saameynta musiibooyinka iyo ka jawaabista baahiyaha bulshada.
Shirka CHF 2026 ayaa sidoo kale fursad u ah dhinacyada ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimada inay iska xog-warramaan, qiimeeyaan khataraha soo socda, isla markaana yeeshaan qorsheyaal lagu xoojinayo gurmadka iyo u-diyaargarowga xaaladaha degdegga ah.
Diyaar-garowga fatahaadaha iyo roobabka culus ayaa si gaar ah muhiim ugu ah Soomaaliya, maadaama dhacdooyinka cimiladu ay horey u saameeyeen deegaanno badan, isla markaana ay kordhin karaan barakaca iyo baahiyaha bani’aadannimo ee bulshada.