U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Jarmalka oo ka wada hadlay dardargelinta iskaashiga labada dal

Sebteembar 23, 2026

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, Mudane Sebastian Groth, iyo ku-xigeenkiisa Marwo Katrin Josten.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iyo dardargelinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Jarmalka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray iskaashiga dhinacyada siyaasadda, horumarinta iyo xiriirka baarlamaaniga ah.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Jarmalka, lana abuuro fursado cusub oo lagu ballaarinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay Jarmalka iyo horumarinta iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada kala duwan.