U bood dhigaalka

Soomaaliya oo EALA kala hadashay ka-qaybgalka Isbahaysiga Siyaasadeed ee Bariga Afrika

Sebteembar 25, 2026

Muqdisho, 25 Sebtembar 2026 – Dowladda Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay wadatashiyo muddo saddex maalmood ah socday oo ay la yeelatay Golaha Sharci-dejinta Bulshada Bariga Afrika (EALA), kuwaas oo diiradda lagu saaray ka-qaybgalka Soomaaliya ee geeddi-socodka isdhexgalka siyaasadeed ee gobolka.

Wadatashiyada oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu falanqeeyay horumarka laga sameeyay qorshaha Isbahaysiga Siyaasadeed ee Bariga Afrika (East African Political Confederation), iyo diyaar-garowga hay’adaha dowladda, shuruucda iyo dastuurka Soomaaliya ee ku aaddan ka-qaybgalka qorshahaasi.

Kulanka waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan EALA, wakiillo ka socday Xoghaynta Bulshada Bariga Afrika (EAC), hay’adaha dowladda Soomaaliya, xildhibaanno, khubaro dhanka dastuurka iyo sharciga ah, bulshada rayidka ah, aqoonyahanno iyo ganacsato.

Intii ay wadatashiyadu socdeen, waxaa si gaar ah looga hadlay hababka isku-duwidda hay’adaha qaranka, diyaar-garowga hay’adaha dowladda iyo arrimaha sharci iyo dastuuri ah ee la xiriira ka-qaybgalka Soomaaliya ee isbahaysiga siyaasadeed ee la qorsheynayo.

Soomaaliya ayaa xubin buuxda ka noqotay Bulshada Bariga Afrika bishii Maarso 2024, kaddib markii ay dhigatay dukumentiga ansixinta xubinnimada. Tan iyo xilligaas, dalka ayaa ku guda jira hannaan uu hay’adihiisa ugu waafajinayo qaab-dhismeedka iyo waajibaadka ururka.

Maalintii ugu dambeysay ee wadatashiyada, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Bariga Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha qaranka iyo waafajinta shuruucda iyo nidaamyada dalka ee waajibaadka sii kordhaya ee Soomaaliya ka saaran EAC.

Isbahaysiga Siyaasadeed ee Bariga Afrika ayaa loo qorsheeyay inuu noqdo marxalad ku-meel-gaar ah oo loo maro dhismaha mustaqbalka ee federaal siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin dalalka xubnaha ka ah ururka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in wadatashiyadan ay qayb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee ay kula shaqeyneyso EALA iyo Xoghaynta EAC, si loo sii ambaqaado wadahadallada ku saabsan isdhexgalka siyaasadeed ee dalalka Bariga Afrika.