U bood dhigaalka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Baqdaad Uga Qaybgalay Xuska Maalinta Warbaahinta Dalka Ciraaq.

Sheeko:War

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Baqdaad ee Jamhuuriyadda Ciraaq uga qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta Saxaafadda Ciraaq oo loo asteeyay markii ugu horeysay oo wargeys laga soo saaray magaalada Baqdaad sannadka markii uu ahaa 1869.

Wasiirka oo qeyb ka ah wufuudda Wasiirrada Warfaafinta ee waddamada Jaamacadda Carabta ee ka qeybgelaya xuskan ayaa tagay goobaha loogu dabaaldayay oo lagu soo bandhigay waxqabadka saxaafadda Ciraaq oo gobol walba si gaar ah u soo bandhigayay.

Xuska 155 guuradii maalinta Saxaafadda Ciraaq ayaa munaasabad heer qaran ah oo maanta la dhigay, ayaa waxaa horkacayey Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq, Mudane Eng. Maxamed Shuyaac Al- Suudaani.