U bood dhigaalka

Ururka Jaamacadda Carabta oo Shirkooda Qaahira Kaga Baaqay Gaarsiinta Gargaar Deg deg ah Gaza

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ku baaqay in gargaar deg deg ah loo diro Gaza, xilli uu shalay  oo Isniin ah magaalada Qaahira kaga furmay shirka 161-aad ee golahooda, baaqaan ayaa kusoo aadaya iyadoo laga cabsi qabo macluul ka dilaacda Gaza, kadib bayaankii kasoo baxay dhowaan Qaramada Midoobey.

“Waa arrin deg-deg ah, mana jirto waqti la sugo, beesha caalamka waxaa ku waajib ah inay wax ka qabato macluusha billowday inay halakayso odayaasha iyo carruurta,” ayuu yiri Xuseen Sidi Abdellah Deh, oo ah wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta oo ka hadalay xaaladaha  murugsan.

Kooxaha gargaarka Qaramada Midoobay ayaa ku dhowdahay in gargaar bini’aadantinimo la gaarsiiyo inta badan Gaza,sababo la xiriira in waqtigaan uu yahay xilligii ugu habooneyd ee dadka la gaarsiin lahaa, xilli ay taagan tahay colaadda iyo kala dambeynta shacabka oo burburtay, iyadoo rajada dad quus ay tahay.

Waxaa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee ku aaddan xabbad-joojin kale, xilli dalalka Mareykanka, Masar iyo Qatar ay ka shaqeynayaan sidii ay heshiis u dhex dhigi lahaayeen Israa’iil iyo Xamaas sidii loo hakin lahaa dagaalka lana sii daayo qaar ka mid ah la haystayaasha dhinacyada ay ku kala qabsadeen.

Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ayaa Axadii sheegtay in tirada dadka ku dhintay Marinka Gaza ay hadda kor u dhaaftay 30,400, Weerarkii Xamaas ee Oct.7 ay ku qaadeen koonfurta Israa’iil Xamaas ayaa dishay 1200 srael ah markaas halka ay 250 ruuxna ay qafaasheen marka la eego.

Community Verified icon