U bood dhigaalka

Boogga Hariwaa oo Muqdisho Lagu Soo Bandhigay iyo Mas’uuliyiin Kasoo Qeybgashay Munaasabadda

Munaasabad heerkeedu sareeyo oo aad loo soo agaasimay laguna soo bandhigayay Buugga Hadhiwaa ee uu qoray Maxamed Haldoor ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka soo qeyb-galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Ahmed Moallim Fiqi oo  ka qeybgalay bandhigga Buugga Hadhiwaa ayaa iibsaday 120 buug, isagoo sidoo kale wakiil ka ah Ra’iisul Wasaaraha XFS ka iibiyay 150 taasoo wadarta ka dhigaysa 270 buug.

“Sharaf bay Ii ahayd caaway in aan ka qeybgalo munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu soo bandhhigayey isla markaana lagu garab istaagayey qoraaga buugga Hadhiwaa Maxamed Haldoor. Waxaan buuggaas ka qaatey 120 xabbo, anigoo sidoo kale ku qaaday magaca Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Md. Xamsa Cabdi Barre 150 buug”.ayuu yiri wasiir Fiqi.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigaayay Buuga ayaa ballanqaaday qarashaadka ku baxaya caafimaadka Qoraaga Buugaan Maxamed Muuse Jaamac (Haldoor) oo ka mid ah dadka baahiyaha gaarka qaba.

Wasiirka Waxbarashada XFS Faarax Sheekh oo munaasabadda ka hadlay ayaa dhiirigeliyey Qoraa Maxamed Haldoor,isagoon sheegay in uu qabtay shaqa wanagsan islmarkaan ay muhiim tahay in ay ku daydaan dhalinyarada kale.

Masuuliyiinta kale ee ka qeybgalay xafladda lagu soo bandhigay Buugga Hadhiwaa ayaa dhamaan bogaadiya Qoraa Maxamed Haldoor oo ah nin dhalinyaro ah kana mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba,isagoo soo badhigay buugan oo ka hadlayo inta badan noloshiisa.