U bood dhigaalka

Muxuu Ahaa Ajandaha ay Kawadahadleen Safiirka China iyo Ku-xigenka Hey’adda Sodma

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed, Md. Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa maanta kulan mira-dhal ah la qaatay Safiirka Dowladda Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya H.E Fei Shengchao.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa wada-shaqeynta hay’adda SoDMA iyo Safaaradda, halka dhinacyadu gareen heshiis wada-shaqeyn hor leh oo waji cusub u furaya gargaarka bani’aadannimo iyo doorka Shiinaha ee maareynta musiibooyinka.

Sidoo kale, Dr. Axmed Cabdi ayaa Danjire Shengchao gaarsiiyay waraaq mahad-celin ah oo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle u diray safaaradda iyo Dowladda Shiinaha taasoo uu si weyn ugu bagaadiyay taageeradooda Soomaaliya.

Dhanka kale, Dowladda Shiinaha oo hore gacan weyn uga geystay howlaha gurmadka ayaa mar kale ku dhawaaqday in ay dhawaan dalka keeni doonto gargaar raashin gaaraya 1,300 tan oo bariis ah, kaas oo loogu tala-galay dadka nugul ee garab istaagga u baahan.