U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlay Mashaariicda ay Hay’adda Dowladda Maraykanka u Qaabilsan Arrimaha Gargaarka ee USAID oo lagu Qabtay Muqdisho.

Kulanka oo ay qeyb-galeen masuuliyiin ka socda Wasaaradda qorshaynta qaranka iyo saraakiil sar sare oo hay’adda ka tirsan ayaa waxaa lagu soo bandhigay qeymayn iyo kormeer ay Wasaaraddu ku samaysay mashaariicda hormarineed ee ay hay’addu ka waddo dalka Soomaaliya.

Wasiirka ku xegeenka Wasaaradda qorshaynta qaranka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay” in kulanka ujeedkiisu ahaa dib u eegis ay Wasaaraddu ku samaysay mashaariicdii ay sanadkii la soo dhaafay hay’adda USAID oo wakiilka ah dowladda Maraykanku dalka ka fulisay oo markii ugu horreysay kormeer lagu sameeyay,ayna ka soo baxeen natiijooyin feecan oo lagu qanci karo,asagoo
Xusay in hay’adda USAID ay kamid tahay hay’adaha ugu waaweyn ee dalka maalgeliya, islamarkaana ay malaayiin doolar ku bixisay mashaariic kala duwan oo ay ka fulisay gobolada dalkoo dhan.

Wuxuu intaa ku daray in mashaariicda ay hay’addu dalka ka fuliso oo ay xoogga ku saarto arrimahavwaxbarashada,kobcinta dhaqaalaha , kalluumaysiga, iyo hormarinta xoolaha in sanad walba qeymayn sax ah iyo dib u eegis lagu samayn doono.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda oo asna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in Wasaaradda qorshaynta oo matalaysa dowladdu ay saxiixday mashruuc maaliyadeedyo dhowr ah oo uu ugu dambeeyay mid la saxiixay sanadkan bilowgiisii oo ku kacayay 92 milyan oo doolar.

Sidoo kale wuxuu tibaaxay in kulankani yahay kii ugu horreeyay ee looga hadlayo qeymaynta mashaariicda ay hay’addu dalka ka fuliso, dhaqaalaha ku baxa, iyo cidda sida tooska ah u hirgelisa ee hay’adda wakiilka uga ah mashaariicdaas.

Wasiir ku xegeenka caafimaadka XukumaddaFederaalkaSoomaaliya ayaa asna tilmaamay in USAID ay 2.7milloin ugu deeqday si hooyooyinka Soomaaliyeed ee ka shaqeeya magaalooyinka iyo deegaanada fog magaalooyinku ay u helaan daryeel Caafimaad oo bilaash ah.

Dhanka kale Sheri-Nouane Duncan-Jones oo kamida masuuliyiinta hay’adda ayaa tiri” USAID waxay sii wadi doontaa taageerada dadka Soomaaliyeed , iyadoo sanadkii hore ay ku guulaystay fulinta mashaariic horumarineed “.

Hay’adda USAID ayaa kamida hay’adaha ugu muhiimsan ee dalka ka fuliya mashaariicda waxtarka leh, ayagoo si dhow ula shaqeeya dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada, islamarkaana dalkoo dhan ka howlgala.