U bood dhigaalka

Muqdisho oo lagu soo xiray Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya 2026

Sebteembar 23, 2026

Muqdisho, 23 Sebteembar 2026 — Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo xiray Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF 2026), kaas oo diiradda lagu saaray diyaar-garowga saameynta laga filayo Super El Niño 2026, digniinta hore iyo tallaabooyinka degdegga ah ee lagu yareyn karo khataraha bani’aadannimo.

Shirka waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), mas’uuliyiin ka socday dowlad-goboleedyada, hay’adaha bani’aadannimada, bah-wadaagta caalamiga ah iyo bulshada rayidka ah.

Intii uu socday shirka, waxaa si gaar ah looga hadlay xoojinta diyaar-garowga fatahaadaha, qorshayaasha gurmadka, abaabulka taageerada bani’aadannimo iyo sidii digniinta hore iyo xogta khataraha loo gaarsiin lahaa bulshada nugul, gaar ahaan dadka ku nool deegaannada fogfog.

Ka qeybgalayaasha ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn iyo isku-duwid ka dhexeysa Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada iyo hay’adaha bani’aadannimada, si tallaabooyin hore loo qaado loona yareeyo saameynta fatahaadaha, barakaca iyo xaaladaha kale ee bani’aadannimo ee ka dhalan kara El Niño.

Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in loo baahan yahay isku-duubni iyo abaabul buuxa oo bulshada Soomaaliyeed ay kaga hortagto khataraha ka dhalan kara El Niño.

Shirka ayaa ugu dambeyn soo xiray Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), oo dhammaan dhinacyada ay khuseyso ugu baaqay inay si buuxda ula shaqeeyaan SoDMA, oo ah hay’adda u qaabilsan hoggaaminta iyo isku-duwidda howlaha maareynta musiibooyinka dalka.

Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay xoojinayso diyaar-garowga khataraha cimilada, iyadoo xoogga la saarayo in digniinta hore loo beddelo tallaabo wax-ku-ool ah oo lagu badbaadinayo dadka iyo hantida.