Iyadoo Soomaaliya ay wajahayo abaar sii xoogeysanaysa iyo xaalad cunto-yari oo saameysay malaayiin qof, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac iyo Wasiirka Boqortooyada Midowday u qaabilsan Horumarinta iyo Afrika, Kirsty McNeill, ayaa booqday bakhaar ay hay’adda WFP ku leedahay magaalada Muqdisho.
Labada mas’uul ayaa halkaasi lagu tusay raashin iyo agab kale oo gargaar ah oo loogu talagalay qoysaska ay abaartu saameysay, waxaana sidoo kale lagu warbixiyay nidaamka WFP u adeegsato diiwaangelinta iyo xaqiijinta dadka ka faa’iideysanaya gargaarka.
Nidaamka ayaa qof kasta oo gargaar qaadanaya looga diiwaangelinayaa xogtiisa biometric-ga, kadibna waxaa la siinayaa kaar la xaqiijiyay oo ay aqoonsan yihiin hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka qeybgalaya nidaamka. Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in la kordhiyo isla-xisaabtanka iyo in laga hortago in hal qof uu gargaar isku mid ah ka helo hay’ado kala duwan.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in qaar ka mid ah goobaha sida weyn ay abaartu u saameysay ay yihiin deegaano nabdoon, isaga oo xusay in amni-darradu aysan ahayn sababta ugu weyn ee xaaladda halkaasi ka jirta. Waxa uu dhibaatada ku sababeeyay isbeddello cimilo iyo abaaro isdaba joog ah oo muddo dhowr xilli ah socday, kuwaas oo wiiqay awoodda qoysaska iyo bulshooyinka ay ugu soo kaban lahaayeen dhibaatooyinka.
Sidoo kale, Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay bisha soo socota si rasmi ah u daahfuri doonto mashruuca kaydinta raashinka ee Jowhar, kaas oo qayb ka ah qorshe lagu xoojinayo awoodda dalka ee kaydinta iyo maaraynta raashinka iyo sahayda bani’aadannimo.
Booqashada wasiirka UK ayaa ahayd tii ugu horreysay oo ay Soomaaliya ku timaaddo tan iyo markii ay xilka qabatay. Dowladda UK ayaa sheegtay in booqashadeeda ay qayb ka tahay dadaallada lagu qiimeynayo sida gargaarka bani’aadannimo uu u gaarayo dadka ay saameeyeen abaarta iyo cunto-yaridu.
WFP ayaa sheegtay in ku dhawaad 6 milyan oo qof, oo u dhiganta qiyaastii saddex meelood meel dadka Soomaaliya, ay hadda wajahayaaan heerar halis ah oo gaajo ah ama ka sii daran. Ku dhawaad 2 milyan oo qof ayaa la sheegay inay ku jiraan xaalad cunto-yari oo degdeg ah.
Dhanka carruurta, Soomaaliya waxay sidoo kale wajahaysaa mid ka mid ah dhibaatooyinka nafaqo-darrada ugu daran dunida. Qiyaastii 1.88 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano ayaa la filayaa inay la kulmaan nafaqo-darro ba’an inta lagu jiro sannadka 2026, halka ku dhawaad 493,000 carruur ah ay u baahan doonaan daaweyn nafaqo-darro daran.
Xaaladda waxaa sii adkeeyay abaaro soo noqnoqday, barakac, sare u kaca qiimaha cuntada iyo hoos u dhac ku yimid dhaqaalaha loo heli jiray gargaarka bani’aadannimo. WFP ayaa sheegtay in dhaqaalaha ay hadda haysato uu u saamaxayo inay caawiso kaliya qiyaastii hal qof 10-kii qof ee u baahan taageerada, iyadoo hay’addu u baahan tahay 193.8 milyan oo dollar si ay u sii waddo gargaarka naf-badbaadinta ah illaa Janaayo 2027.
Hay’addu waxay sidoo kale ka digtay in qoysaska ay abaartu hore u wiiqday ay wajihi karaan dhibaatooyin kale bilaha soo socda, iyadoo la filayo xaalado qalalan oo sii socda illaa Oktoobar, kadibna ay kordhi karto khatarta fatahaadaha xilliga Deyrta ee u dhexeeya Oktoobar iyo Diseembar.
WFP ayaa sidoo kale Soomaaliya ka bilowday Qorshaheeda Istaraatiijiga ah ee 2026–2030, kaas oo isku xiraya gargaarka degdegga ah ee cuntada iyo nafaqada iyo qorshayaal muddo dheer ah oo lagu xoojinayo adkeysiga bulshada, isku-filnaanshaha iyo nidaamyada dowladda.