U bood dhigaalka

CARE oo Ka Digtay Khatarta Macaluul iyo Xiritaanka Xarumo Caafimaad oo Dalka Ku Yaalla

Ogoosto 30, 2026

Hay’adda gargaarka caalamiga ah ee CARE ayaa soo saartay digniin culus oo ku saabsan xaaladda bini’aadannimo ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay in hoos-u-dhaca ku yimid dhaqaalaha gargaarka uu sababay in la xiro xarumo badan oo caafimaad iyo kuwo nafaqayn.

Xaaladdan ayaa khatar toos ah ku haysa carruurta yaryar, hooyooyinka, iyo haweenka uurka leh ee ku nool deegaannada ugu nugul dalka.

Gudoomiyaha CARE ee Soomaaliya, Ummy Dubow, ayaa tilmaantay in afar xilli-roobaad oo baaqday ay malaayiin qof qarka u saareen xaalad adag, halka daadadka iyo cimilada El Niño ay sii kordhinayaan dhibaatada qoysaska danyarta ah.

Waxay xustay in goobo badan oo dalka ah ay hooyooyinku masaafo dheer u lugeeyaan xarumo caafimaad balse ay la kulmaan albaabada oo xiran, iyadoo gaadiidkii gurmadka degdegga ahina ay shidaal la’aan u fadhiyaan.

Deegaannada Jubbaland, CARE ayaa lagu qasbay inay dhimato hawlaheeda iyadoo 12 xarun oo ay taageeri jirtay hadda ku soo koobtay hal xarun oo keliya oo ku taal magaalada Kismaayo, waxaana meesha ka baxay 20 kamid ah howlwadeennadeeda caafimaadka. Hoos-u-dhacan ku yimid goobaha adeegga ayaa horseeday in kumanaan qoys ay waayaan daryeelkii aasaasiga ahaa ee ay u baahnaayeen xilliyada adag.

Ugu dambeyntii, Hay’adda CARE waxay shaacisay in qorshaheeda gurmadka Soomaaliya uu hadda helay wax ka yar 20% dhaqaalihii loogu talagalay sanadkan.

Waxay beesha caalamka iyo deeq-bixiyeyaasha ugu baaqday inay si degdeg ah u soo farageliyaan arrintan una fidiyaan taageero maaliyadeed si loo badbaadiyo nolosha malaayiin qof oo halis ugu jira macaluul iyo cudurro.