U bood dhigaalka

Bannaanbax Lagu Taageerayo Dhammeystirka Dastuurka oo Ka Socada Taallada Daljirka Daahsoon

Maamulka gobolka ayaa maanta soo qabanqaabiyay bannaanbax lagu taageerayo dhameystirka Dastuurka, waxaana bulshada uu horkacayo guddoomiyaha gobolka ay isugu soo baxeen halka lagu magacaabo Tallada Daljirka Daahsoon.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Wasiirro Xukuumadda Federaalka, Xildhibaanno, Senatarro iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qaybgashay isusoobaxaan iyaga oo garab istaag u muujiyay sidii loo dhammaystirilahaa  Dastuurka KMG ah.

Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyay ka doodista iyo waxkabedelka cutubyada kale ah 1-aad,2-aad, 3-aad iyo 4-aad, waxaana lagu wadaa Baarlamaanku ansixiyaan 4-ta cutub inta aan la aadin fasaxa Baarlamaanku uu gali doono.

Mas’uuliyiinta ka hadashay goobta ayaa taageero u muujiyay dhameystirka dastuurka, waxaana ay si gaar ah xildhibaannadu u sheegeen in ay garab istaag u muujinayaan in la dhameystiro Dastuurka dalka siu u uga baxo KMG-nimada u uku jiray ilaa 2012.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomalaiya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii tagay si cad u sheegay in aysan jirin cid loo joojinayo dastuurka oo uu sii socon doono dhameystirkiisa iyo sidii wax looga badeli lahaa Baarlamaankuna uu wado.