U bood dhigaalka

Israel oo Lagu Eedeeyay Joojinta Gargaar Ku Socday Gaza iyo Qaramada Midoobay oo Macluul Ka Digtay

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa weerar Afka ah ku qaaday Israa’iil Axaddii, isagoo ku dooday in “argagax iyo gaajo ay daba socdaan dadka Gaza” iyo in Israa’iil oo keliya ay meesha ka saari karto caqabadaha hortaagan in gargaar dheeraad ah la geeyo dhulka Falastiiniyiinta.

Philippe Lazzarini, oo ah guddoomiyaha guud ee hay’adda gargaarka Falastiin ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Israa’iil ay sheegeen  in ay si degdeg ah u xannibeen kolonyo cunto oo cusub oo u socday waqooyiga Gaza, halkaas oo ay ka jirto macluul baahsan oo ay wajhayaan dadka.

Philippe Lazzarini ayaa hadalkaan ku cabiray xaaladda ay wajahayaan Shacabka Gaza “Saacaddu waxa ay si degdeg ah ugu dhici doontaa macaluul, qaar kale oo badanna ay u dhiman doonaan gaajo, fuuq-bax iyo hoy la’aan. Tani ma dhici karto. Kaliya waxay wax u dhimaysaa bini’aadantinimadeenawada jirka ah.”

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa dhankiisa sheegay in qalbi jab xooggan ay tahay dadaalladii lagu waday in gargaar lagu gaarsiiyo Falastiiniyiinta, waxaana uu carabka ku dhuftay in lama huraan ay tahay in la helo xabadjoojin ay gaaraan Israel iyo Xamaas si gargaar loo gaarsiiyo Gaza.

“Halkan marka laga gudbo isgoyskan, waxaan ku aragnaa qalbi jabka iyo qalbi la’aanta dhammaanteed. Saf dheer oo baabuurta gargaarka ah oo go’doomay dhinac ka mid ah irdaha, dhinaca kale hadhka dheer ee gaajada,” ayuu yiri xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo caanaantay Israel.

Hadalka kasoo baxay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli siweyn dunidu uga walaacsan tahay xaaladda murugsan ee ka taagan Gaza iyo diidmada codka qayaxan ee uu ku taageeray Mareykanku Israel, waxaana Gaza qarka u saaran tahay in macluul aan laga soo waaqsan ka dilaacdo.